Xeer-Hoosaadka Faseex.com

  1. Beec Mahan! Koorsooyinka Kujira madasha Faseex.com waxaa leh milkiyadooda Faseex.com, ardaygu wuxuu xaq uleeyahay oo kaliya daawashada muuqaalada koorsada uu ka diiwaan gashanyahay gudaha website Faseex.com ama Faseex APP.
  2. La Dagis Waa Mamnuuc! Koorsooyinka Faseex waa Dalbo oo Daawo Durbadiiba ama (Streaming Only) Loomana Ogola in ardaygu lasoo dago muuqaalada koorsada, waxa kaliya oo la ogolyahay in lala soo dago waa Course Materials sida Slides ama softwares ka lasocda koorsada si aad ugu shubato computerka, ama aad usoo daabacato slides ama eBooks haduu lasocdo koorsada, sida badan koorsooyinka faseex.com waa practical ama iTUS oo mawataan buug qoraal ah.
  3. Hal Arday, Hal Account! Waxaan kaloo ardayga ogaysiinaynaa in aanan la ogolayn in la wadaago hal account. Hadii account kaaga aad ka gasho meel kale logout ayaa lagugu samaynayaa hadii la ogaado ama looga shakiyo in account kaas la wadaagayo waa laga saarayaa madasha Faseex.com dignin la’aan.
  4. eWaxbarasho Macalin Malahan! Waxaan kaloo ardayga ogaysiinaynaa in waxbarashada madasha Faseex.com uu bixiyo waa mid ah muuqaalo iyo qoraal ardayda uu iskiis isku barayo asagoo raacaya tilmaamaha muuqaalka, mana lahan meel loola laabto wixii suaal ah ama caawin ah ee ardaygu baro, maxaa yeelay maahan fasal fogaan arag ah eWaxbarashada ee waa iska wax iskubar, hadii wax ugu adkaadaana iskaa uraadso, balse waxaa jiraa caawin guud oo ah qaabka adeegsiga madasha Faseex.com ama sida loo barto koorsada ama software ama lab ka koorsda hadii error kaaga soo baxo waa lagaa caawinayaa, balse majirto ma fahmine macalinka aan Waco si uu iifahamsiiyo cashirka.
  5. Qiimaha! Qiimaha koorsooyinka kujira madasha faseex.com waa is badali karaan xili walba, go’aan kaasna waa mid ugaar ah maamulka Faseex.com.
  6. Halmar Dalbo, Waligaana Daawo! Dhamaan koorsooyin kujira madasha Faseex.com waa halmar dalbo, waligaana daawo, balse Shuruud ayaa kuxiran oo ah hadii koorsda aad baranayso ay leedahay Mudo-xileed oo ah badanaa 3-4 sano inta udhaxaysa, marka ay muda koorsda dhamaanto oo aana lagali Karin imtixaankeeda oo ay howlgab noqoto ama waa koorso aan lahayn imtixaan balse Cilad farsamo ay kusoo baxdo waa laga saarayaa madasha Faseex.com mudo 6 bilood gudahood ah, ardayga ka diiwaan gashana waa la ogaysiinayaa insha allah.
  7. Xogtaada! Maamulka Faseex wuxuu ogaysiinayaa in ardayga ka diiwaan gashan madasha Faseex.com, in uu xaq uleeyahay in xogtiisa loo asturo hadii ow doonana inuu katidhikaro xogtiisa madasha Faseex.com, Faseex waxay balan qaadaysaa in aysan lawadaagayn xogta ardayga shakhsi ama shirkad kale, xogta ardayga waa amaano waana asturaynaa insha llah.